
Dumarku waa halbowle aan laga maarmin. Waa laf-dhabarka qoyska, bulshada iyo guud ahaan horumarka dunida. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa leh: “Dumar la’aantood, adduun waa mugdi.” Maalin walba dumarku waxay bulshada u keenaan iftiin, nabad, kalgacal iyo deganaansho. Iyaga la’aantood, wax badan ayaa baaba’a. Waa dadka ugu dhow carruurta, waayeelka, iyo xitaa kuwa u baahan naxariista bulshada dhexdeeda. Dumarka waa hormuudka isbeddelka, haday helaan taageero, garab iyo kalsooni.
Ma garan karo sida ay dunidu ahaan lahayd dumar la’aanteed. Quruxda, naxariista, xikmadda, iyo deeqsinimada ay leeyihiin waa mid Alle u gaar yeelay. Maahmaah Carbeed ayaa leedahay: “Hooyadu waa iskuul; haddii si wanaagsan loo diyaariyo, bulsho fiican ayay dhistaa.” Xikmadani waxay muujinaysaa kaalinta weyn ee dumarku ku leeyihiin dhismaha jiilasha iyo bulshooyinka.
Laakiin nasiibdarro, dumarka qaar, gaar ahaan gabdhaha Soomaaliyeed, mararka qaar way hilmaamaan ama lama tuso awoodda iyo haybadda ay leeyihiin. Dhaqamada iyo fikirrada laga dhaxlay jiilalkii hore ayaa intooda badan ah kuwa niyad-jab keena, iyagoo gabadha u sawira mustaqbal aanay lahayn xorriyad, karti iyo himilooyin u gaar ah.
Dumarka Soomaaliyeed waxay leeyihiin dabeecado la yaab leh sida, naxariis, dulqaad, daacadnimo, karti, adkaysi iyo deeqsinimo. Waa kuwo si fudud wax u aamina ama ay dadka kalsooni geliyaan. Waxaa sidoo kale la dareemi karaa in ay aad uga fogaadaan musuqmaasuqa, khiyaanada, xatooyada iyo falal xun, waana sababta loo yiraahdo: “Qalbiga dumarka waa mid nadiif ah oo deeqsinimo lagu beeray.”
Dumarka marka ay ka mid noqdaan hoggaanka, waxaa yaraada eexda, cadaalad-darrada, iyo xadgudubka. Taasina waa sababta adduunka intiisa badan haweenka loogu dhiirrigelinayo in ay ka qeyb qaataan go’aan gaarista, siyaasadda, maamulka iyo waxbarashada. Qof kasta oo bulsho dhisaya waa inuu barta qiimaha haweeneyda.
Hase yeeshee, waxay nasiib darro tahay in qaar badan oo gabdho ah aysan arkin awoodda ay leeyihiin. Waxaa laga yaabaa in lagu barbaariyay fikir ah: “Gabar waa nin u joog.”
Waxaa jira gabdho badan oo maanta iska joogaya guryaha, sugaya nin lacag haysta, iyagoo aan isku kalsooneyn, aaminsanna in mustaqbalkooda iyo nasiibkooda uu gacanta ugu jiro qof kale. Waxaa laga yaabaa in lagu soo koriyay caadooyin meesha ka baxay ama fikirro aan waaqici ahayn. Haddii aan si caqli iyo xikmad leh u eegin dhaqamadeena, waxa ay noqdaan kuwa inoo horseeda horumar la’aan.
Gabareey, ma ka fikirtaa mustaqbalkaaga haddii aad maanta u dhaqanto sidii qof sugaya in noloshiisa la dhiso? Ka waran haddii aad guriga waalidkaa ka tagto, ninkii aad sugaysay kuu yimaado, lagu guursado, carruur timaado, laakiin noloshiina isfahan waa ku timaado? Maxaad samaynaysaa marka noloshu kaa leexato halkii aad ka fileysay?
Waxaa laga yaabaa in aad markaas dib ugu laabato gurigii waalidkaa, adigoo leh culays dheeraad ah iyo ilmihii aad dhashay. Waa maxay qorshahaaga marka aad xilligaas imaado? Ma waxaad dooneysaa in aad noloshaada ku dhisto baroor iyo shalayto? Mise waxaad rabtaa in aad maanta iska dhisto si aad berri awood ugu yeelato inaad la timaado nolol madax-bannaan?
Sida uu xikmadda Soomaaliyeed sheegtay: “Gacmo adag naftooda ayey quudiyaan.” Maanta waa waqtigii aad is dhisi lahayd, wax baran lahayd, shaqaysan lahayd, oo aad u noqon lahayd qof bulshada wax tar u leh.
Furaha Xorriyadda iyo Xoogga Dumarka
Waxbarashadu waa ilayska nolosha. Gabar wax baratay waa mid u diyaar ah in ay nafteeda iyo bulshadeeda wax u qabato. Waa mid leh himilo, fikrad, rajo iyo waddo ay ku wajahdo caqabadaha nolosha. Ma jirto waxbarasho gabdho loogu talagalin oo wiilasha keliya loogu dan leeyahay. Dunidu maanta waa mid furan, fursad kasta oo jirta waxaa xaq u leh qof walba oo dadaala, ha ahaado wiil ama gabar.
Sida ay Soomaalidu yiraahdaan: “Gabar wax baratay, waa bulsho wax baratay.” Tani micnaheedu waa in haweenka aqoonta leh ay bulshada tusaan waddooyin cusub oo horumar ah. Gabadhii aqoon leh, waxay barbaarin kartaa jiil cusub oo xalaal quuta, dad jecel, xushmad leh, caqli badan, islamarkaana ka fog musuq iyo burbur.
Qayb muhiim ah oo aan inta badan la dareemin waa dhismaha maskaxda gabadha. Dad badan waxay xooga saaraan kaliya jirka ama quruxda dibadda ah, halka ay hilmaamaan in gabadhu u baahan tahay kobcin maskaxeed, kalsooni, dhiirrigelin iyo barbaarin sugan.
Koritaanka maskaxeed waa aasaaska horumarka. Gabar is aaminta, wax baratay, fekerkeeda dhiibata, waxay noqon kartaa qof hoggaamiya mustaqbalka ummaddiisa. Sida maahmaahdu dhahdo: “Maskax la’aan, miro ma korodhaan.”
Gabareey, waxaad leedahay haybad Alle kuu gaar yeelay. Waxaa kugu jira karti aad kaga gudbi karto caqabad kasta. Waxaa kugu jira hal-abuur, fikrad, rajo iyo awood aad dunida ku beddeli karto. Maanta waa waqtigaaga. Ha sugin berri, hana u noqon qof ku tiirsan qof kale. Maanta ayaa la rabaa in aad bilowdo dhisidda mustaqbalkaaga.
Maahmaah English ah ayaa dhahda “If you educate a man, you educate an individual. If you educate a woman, you educate a nation.” Taas oo ay micnaheeda tahay hadii aad wiil wax barto, qofbaad wax bartay, haddii aad gabar waxbartana bulsho ayaa waxbrtay. Marka aan ku dadaalno in aa naan gabdhaha waxbarno si ay bulshada oo dhan u noqdaan busho tayo leh.
Gabagaboadii: Dumarka Waa Dahab
Ugu dambeyn, aan xasuusanno maahmaah Armaaniyaan ah:
“Dumarku mar waa sida dayaxa, marna waa silver, halka mar ay yihiin dahab.”
Micnaheedu waa in dumarku leeyihiin tayo, qiime iyo haybad gaar ah. Waa kuwo iftiimiya nolosha, qurxiya bulshada, dhisaan jiilalka, isla markaana beddeli kara waddan dhan.
Gabareey, maanta toos. Ka kac fikirka kaa hor istaagaya hormarka. Naftaada garab sii, wax baro, shaqee, is horumari. Adigu waxaad noqon kartaa hogaamiye, macallin, dhaqaatiir, farsamo yaqaan, qoraa ama ganacsato. Haddii aad rabto in aad aragto isbeddel, adigaa isbeddelkaas bilaabi kara.
Msha allah